Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 123aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

MABAADI'DA CIIDANKA QARANKA 1. Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxabannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka. 2 Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka. 3 Dhismaha Ciidanka Qaranku wuxuu ka koobnaanayaa dhammaan deegaannada Somaliland. 4 Qofka loo magacaabayo Wasiirka Gaashaandhigga waa inuu ahaadaa muwaadin madani ah (Civilian). 5 Qaab-dhismeedka ciidanka Qaranka xeer-baa nidaaminaya.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-123
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
122Weydii qodobkan124