Article 11
Qodobka 11aad
Original Somali text, quoted word for word
DHAQAALAHA DALKA 1. Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha. 2. lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo. 3. Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa.