Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 117aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
SHURUUDAHA XUBNAHA Xubnaha Guddida Culimadu waa inay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran: 1. Inuu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa. 2. Inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}. 3. Inuu yahay nin lagu yaqaan ALLAH-KA-CABSI iyo akhlaaq wanaag. 4. Inaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga caddaaday shantii sanno ee ugu dambaysay. 5. Inuu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah amaba wax u dhigma oo dhinaca Diinta ah. 6. Markuu xilka Guddida qabto inuu ku sifoobo dhexdhexaadnimo dhinacyada siyaasadda iyo aragtida Diineed.