Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 115aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

GUDDIDA CULIMADA WAAJIBAADKA GUDDIDA Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran: 1. Inay si rasmi ah uga bixiyaan caddayn: b. Khilaafka Diiniga ah ee abuurma. t. Wixii la isku qabto inuu Sharceedda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga ula muuqda inuu Shareecadda khilaafsan yahay. Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimid ama Maxamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda. 2. Inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyagoo ka eegaya dhinaca Diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo Diinta. Inay eegaan, hubiyaana, kutubta laga turjumo Shareecadda, gaar ahaan kuwa maxkamaduhu u cuskadaan xukunkooda {ka hor intaan sharci ahaan loo ansixin}, iyo kuwa gelaya manhajyada waxbarashada ee ku saabsan dhaqan-aqooneedka Diiniga ah.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-115
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
114Weydii qodobkan116