Qodobka 112aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA 1. Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan. 2. KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya. 3. Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1aad ee qodobkan, waa inay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho. XUBINTA 3AAD HAY’ADAHA DAWLADDA