Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force

Article 111

Qodobka 111aad

Original Somali text, quoted word for word

GOLAYAASHA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA. 1. Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws} aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa fulineed. 2. Tirada gole kasta oo gobol ama degmo shuruudaha laga doonayo xubinta gole gobol/degmo iyo nidaamka doorashada xeer ayaa tilmaamaya. 3. Guddoomiyaha degmadu, isagoo la tashaday wax garadka tuulada waxa uu soo jeedinayaa guddida maamul ee tuullo, waxana ansixinaya Golaha Sharci dejinta ee degmada. 4. Golayaasha gobollada & degmooyinka waa inay noqdaan kuwa awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulshada. 5. Guddoomiyaha gobolka waxa soo magacaabaya Xukuumadda, waxaana uu uga wakill yahay Xukuumadda-dhexe gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada. 6. Guddoomiyaha gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka gobolka, isagoo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 7. Muddada xilka golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa shan sano (5). 8. b) Gole gobol ama degmo waa la kala diri karaa isagoon muddadiisa dhammaysan. t) Xaaladda ay ku iman karto iyo qaabka loo kala dirayo xeer ayaa tilmaamaya. 9. Xoghayaha gobolka ama degmada iyo madaxda waaxyaha ama laamaha Wasaaradaha ayaa xilka sii fulinaya iyagoo raacaya shuruucdoodii hore inta laga soo dooranayo gole cusub. 10. Golayaasha gobollada iyo degmooyinku waxay yeelanayaan xeer-hoosaadyadooda oo midaysan waxana gacan ka siinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Source: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-111

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
110Ask about this article112