Article 10
Qodobka 10aad
Original Somali text, quoted word for word
XIDHIIDHKA DIBEDDA 1. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore loo odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliland. 2. Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}. 3. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka. 4. Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale. 5. Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho. 6. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaysaa siday ugu biiri lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka. 7. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis- nimada iwm, ujeeddo kasta ha lahaadeene.