Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 9aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Qaab-dhismeedka Hay’adaha Garsoorka Ciidamada Qaranka 1. Garsoorka ciidamada garanku si la'mid ah maxkamadaha aan ahayn kuwa ciidamada waxa uu ka kooban yahay labada qaybood ee kala ah; b. Maxkamadda Ciidamada Qaranka, iyo t. Xeer-Ilaalinta Cudamada Qaranka. 2. Labada qaybood ee faqradda hore ku xusan mid waliba waxa ay leedahay jiritaan qaanuuni ah Wwaxayna u xil-saaran tahay xil iyo waajibaad u gaar ah oo ay si’ madaxbannaan u gudanayso. 3. Maxkamadda Ciidamada Qaranku waxay ka koobnaanaysaa; b. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranka, t. Maxkamadaha Darajada Koowaad oo fadhigoodu noqonayo laba aag oo kala ah Aagga Bari iyo Aagga Galbeed. 4. Maxkamadda Derajada Koowaad ee aagga bari waxa ay awood gaar ah u leedahay dhegeysiga falalka ka dhacay gobollada kala ah: SANAAG, SOOL iyo TOG-DHEER. 5. Maxkamadda Derajada Koowaad ee aagga galbeed si la'mid ah xaaladda ku sugan xarafka hore, waxa ay awood gaar ah u leedahay dhegeysiga falalka ka dhacay gobollada kala ah: AWDAL, MAROODI-JEEX iyo SAAXIL. 6. Maxkamadda Sare ee ciidamadu waa hay'adda derajo ahaan ugu sarraysa nidaamka garsoorka cludamada. 7. Maxkamadda Sare ee cliidamada waxay awood u leedahay dhegeysiga racfaannada laga soo qaatay go'aannada maxkamadaha derajada koowaad. 8. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranku waxa ay dhegeysiga daweadaha ku geli kartaa guud ahaan dalka oo dhan. 9, Maxkamadda Sare ee Clidamada Qaranku xarunteendu waa magaalo madaxda dalka. 10. Maxkamadda derajada koowaad waxa ay dhegeysiga dacwadaha ku geli kartaa deegaan kasta oo ka tirsan guud ahaan gobollada xadka awooddeedu gaadhsiisan tahay. P aane Ges ye kB te Wy \ [S002 SNe YS ff Ste 2. NON BN SS fae ey \r\ & \ —5-— ie "Sis i #15 Shed. MES baal o\- SNe y/o] S o\n 4y* ely | =i CON iN ae

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-9
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
8Weydii qodobkan10