Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 21aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Awoodda Baadhista Dacwadaha 1. Waaxda dembi-baadhista dambiyada ee Booliska ayaa u xil-saaran baadhista dacwadaha ciqaabta ah ee hoos yimaadda awoodda hay’adaha garsoorka Ciidamada Qaranka. 2. Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu magacaabi karaa baadhayaal gaar ah oo soo diyaariya warbixin hore oo hor-dhac ah oo ka tirsan Cudamada Qaranka, haddii uu arko in ay daruuri u tahay baadhista dacwadda, iyada 00 aan waxba loo dhimayn mas’uuliyadda baadhista ee xafiiska dambi-baadhista. 3. Habraaca baadhista dacwadda waxa loo raacayaa Xeerka Habka Ciqaabta ee ay ku dhaqmaan garsoorka Ciidamada Qarankaee JSL.