Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 35aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xaqa Dacwadda iyo Is’difaaca fyada oo laga duulayo xuquuqda aasaasiga ah ee ku astaysan qodobka 28aad ee Dastuurka Somaliland, 1. Xubin kasta oo ka tirsan ciidamada 00 lagu soo oogay dacwad waxa uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco Maxkamadda ciidamada ee awoodda u leh gar-maqalka dacwadda horteeda. 2. Ledaysanuhu waa dembi laawe ilaa maxkamaddu ku hesho fal-dembiyeed. 3. Xubinta ka tirsan ciidamada ee lagu soo oogay dacwad ciqaabteedu culus tahay ee aan awood u lahayn inuu qabsado qareen, waa in garsooraha dacwadda guddoomiyanaa uu u magacaabo qareen adeeg kaalmo sharci 00 lacag la’aana. 4. Kedaysanaha waa in loo ogolaado in uu si’gaar ah ula kulmo qareenkiisa mar kasta oo uu u baahdo. 5. Eedaysanaha waa in la siiyvo muddo ku filan oo uu ku diyaarsado difaaciisa.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-35
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
34Weydii qodobkan36