Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 10aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Awoodda Gar-magqalka Garsoorka Ciidamada 1. Maxkamadaha Ciidamada Qaranku waxay awood u leeyihiin dacwadaha ciqaabta ah ee ka dhanka ah xubnaha Ciidamadda Qaranka xaaladaha nabadda iyo colaadda. 2. Haddii xubin ciidan ahi uu ka galo fal-dembiyeed xilli nabad ah xubin ciidamada qaranka ah, waxa awoodda qaadista dacwadda leh Maxkamadaha Ciidamada Qaranka. 3. Maxkamadaha Ciidamada Qaranku marka ay qaadayaan daewad ay gar-maqalkeeda awood u leeyihiin waa in ay raacaan xeer-ciqaabeed si'cad u tilmaamaya dembiyada soo hoos galaya awoodaha Maxkamadaha Ciidamadda Qaranka. 4. Habraaca qaadista dacwadaha waxa loo raacayaa si'waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-10
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
9Weydii qodobkan11