Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 16aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Fadhiyada Maxkamadda Sare Fadhiyada Maxkamadda Sare waxa ay u kala baxayaan: 1. Fadhi caadi ah oo ka kooban saddex garsoore; 2. Fadhi buuxa oo ka kooban dhammaan garsooreyaasha Maxkamadda Sare. 3. Fadhiyada maxkamadda sare waxay ku furmayaan marka ay fadhiyaan kala badh iyo hal tirada xubnaha garsoorayaasha. 4. Garsoorayaasha maxkamadda sare waxay go’aamada ku gaadhayaan cod hal dheeri ah.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-16
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
15Weydii qodobkan17