Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 25aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xilka iyo Waajibaadka Guddida Guddidu waxay yeelanaysaa awoodahan: 1. Magacaabista, beddelidda iyo shaqo ka saaridda garsoorayaasha maxkamadda darajooyinka hoose iyo ku-xigeennada xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qaranka ee J.S.L. 2. Qumaynta hannaanka xil-gudasho ee xubnaha kor ku xusan. 3. Fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha guud ee la xidhiidha horumarinta nidaamka garsoorka cudamada ee ay dejisay wasaaraddu. A. Kobcinta aqoonta iyo xirfadda xubnaha kor ku xusan iyo qabashada tababbarada la xidhiidha. 5. Guddidu waxay u madax-bannaan tahay hawsheeda, sidoo kale waxay wada shaqayn aan waxba u dhimayn hawshooda la yeelanaysaa hay’adaha kale ee ay ugu horrayso wasaaraddu. 6. Dhagaysiga cabashooyinka la xidhiidha xil-gudashada garsoorayaasha maxkamadaha darajada koowaad iyo ku-xigeennada xeer-ilaliyaha guud ee Ciidamada Qaranka. 7. Dhagaysiga cabashooyinka la xidhudha xil-gudashada garsoorayaasha maxkamadaha darajada koowaad iyo ku-xigeennada xeer-ilaliyaha guud ee Cudamada Qaranka ee J.S.L. —i)— ste e CF sei O75 AL Gh : SY SP GENER

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-25
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
24Weydii qodobkan26