Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 15aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Asbaabaha Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Ciidamada 1. Guddoomuiyaha iyo garsooreyaasha maxkamadda sare ee clidamada waxa xilka lagaga qaadi karaa; b. Haddu uu xilka u gudan kari waayo sababo caafimaad darteed oo ay si rasmi ah u caddeeyeen saddex dhakhtar oo leh takhasus. t. Haddu uu xilkiisa u gudan kari waayo karti xumo, ku kaco musuqmaasuq, xeer jebin ama eex lyo qaraabo kuil, j. Haddii uu soo gudbiyo is'casilaad qoraal ah Madaxweynuhuna ka aqbalo; 2. Jagada Guddoomiyaha ama Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qaranku waxay ku bannaanaan kartaa, haddii marka Guddoomiyaha ama garsooraha: b) Ay geeri ku timaaddo; t) Uu iskii isaga casilo xilka, Madaxweynuhuna ka aqbalo; j) Xilka looga qaado qaab waafaqsan faqradda laad ee qodobkan; Pain x) Loo magacaabo xil kale oo ciidamada qaranka ah ama S Rye ta Lp aN Kh) Uu iskaga tago ciidankii uu ka tirsanaa

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-15
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
14Weydii qodobkan16