Qodobka 17aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Shuruudaha Magacaabista Garsooreyaasha Maxkamadda Derajada Koowaad 1. Qofka loo magacaabayo jagada garsoore ee maxkamadda derajada koowaad waa in uu buuxiya tilmaamaha ku xusan qodobkan: b. Waa in uu ahaadaa qof aan da’diisu ka yarayn 35 sanno. t. Waa in uu haystaa shahaado cilmiga sharciga ah, gaar ahaan sharciga denbiyada 00 uu ka S00 qaatay jaamacad la’aqoonsan yahay. J. Waa in uu yahay qof caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ciidamada dhexdiisa ku suntan. | x. Waa in uu leeyahay waayo’aragnimo 5 sanno ah oo la’xidhiidha aqoonta sharciga kuna soo shaqeeyay, qareen, la-taliye sharci, macallin sharciga dhiga, ku-xigeen xeer -ilaaliye guud. kh. Waa in aanu xukun dembi ahi ku dhicin 5 tii sanno ee ugu dambaysay. d. Waa in uu ka madaxbannaan yahay siyaasadda iyo xisbiyada. 2. Garsooreyaasha maxkamadda derajada waxa ay wadajir u dhegeysanayaan marka laga reebo garsooreyaasha ku maqan si xeerka waafaqsan dacwadaha ay maxkamaddu guda gelayso gar- maqalkooda.