Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 6aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Dabciga Xeerka 1. Xeerkani waxa uu dabci ahaan noqonayaa xeer maamul oo lagu nidaaminayo hawlaha garsoorka Ciidamada Qaranka. 2. Xeerkan looma adeegsanayo, isla markaana laguma jidaynayo ciqaab iyo ganaaxyo mana yeelanayo dabci xeer-ciqaabeed.