Article 41
Qodobka 41aad
Original Somali text, quoted word for word
Racfaannada iyo Cabashooyinka 1. Waxa bannaan in xukun kasta ama qaraar kasta oo ka soo baxay maxkamadaha gobollada iyo racfaanka looga racfaan qaato maxkamadda ka sarraysa. 2. Maxkamadda Sare ee ciidamadu waxa ay awood u leedahay in ay dib u eegto xukun ay soo saartay, haddu ay sidaas ku jirto danta caddaaladdu oo uu dalbado xukunsanuhu. Waxa reebban in xafiiska Xeer-ilaalintu dalbado dib u eegis xukunka Maxkamadda Sare ah, haddii aan codsiga Xeer-ilaaliyuhu u dan ahayn xukunsanaha. 3. Muddada racfaan’qaadashadu waa 30 (Soddon) cisho oo ka bilaabanta, maalinta lagu dhawaaqo go’aanka maxkamadda. 4, Haddii marka xukunka lagu dhawaaqay uu eedaysanaha ama qareenkiisu Maxkamadda horteeda ka sheego in uu racfaan qaatay waxa laga soo qaadayaa in racfaan la’qaatay waana in loo geliyo galka dacwadda. QAYBTA TODDOBAAD NIDAAMKA MAALIYADDA EE HAY ADAHA GARSOORKA CITIDAMADA