Qodobka 33aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka Ciidamada 1. Shaqaalaha ka halw gelaya hay’adaha garsoorka ee ciidamada si la’mid ah shaqaalaha kale ee ka hawl-gala hay’adaha garsoorka ee aan ahayn kuwa clidamada waxaa loo raacayaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda. 2. Guud ahaan waajibaadka xil-gudasho ee shaqaalaha, fasaxyadooda, nidaamka hawl-gabka iyo xuquuqaha kala duwan waxa ay kala mid yihun shaqaalaha kale ee dawladda si’ Xeerka Shaqaalaha Dawladda Waafaqsan. 3. Hay’adaha garsoorka ciidamadu waxa ay qaadan karaan shaqaale aan joogto ahayn sida: khubaro lagu qaatay aqoontooda iyo waayo’aragnimadooda. 4. Shaqaalaha ku xusan faqradda hore laguma dabbaqayo xeerka shaqaalaha dawladda.