Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 31aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xilka Iyo Waajibaadka Wasaaradda 1. Wasaaraddu xidhidhka ay la leedahay hay’adaha garsoorka ciidamada waxa ay u raacaysaa si’ waalaqsan xilka iyo waajibaadka wasaaradda ee ku tilmaaman Xeerka Kala-xadaynta Nidaamka Xukuumadda. 2. Wasaaraddu waxay u xil-saaran tahay, isla markaana mas’uul ka tahay gorshaha iyo siyaasadda lagu horumarinayo Nidaamka garsoorka ciidamada iyo baahinta awoodda xil-gudasho ee hay’adaha garsoorka ciidamada.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-31
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
30Weydii qodobkan32