Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024In force
Article 31
Qodobka 31aad
Original Somali text, quoted word for word
Xilka Iyo Waajibaadka Wasaaradda 1. Wasaaraddu xidhidhka ay la leedahay hay’adaha garsoorka ciidamada waxa ay u raacaysaa si’ waalaqsan xilka iyo waajibaadka wasaaradda ee ku tilmaaman Xeerka Kala-xadaynta Nidaamka Xukuumadda. 2. Wasaaraddu waxay u xil-saaran tahay, isla markaana mas’uul ka tahay gorshaha iyo siyaasadda lagu horumarinayo Nidaamka garsoorka ciidamada iyo baahinta awoodda xil-gudasho ee hay’adaha garsoorka ciidamada.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-31