Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024In force

Article 30

Qodobka 30aad

Original Somali text, quoted word for word

Mushaharka iyo Gunnada 1. Garsoorayaasha maxkamadaha ciidamada iyo xeer-ilaaliyaha guud iyo kuxigeenadiisu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno ay si bille ah u helaan. 2. Garsoorayaasha maxkamadda sare ee ciidamada iyo xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamadu waxay heli doonaan guno xileed uu madaxweynuhu ku soo saaro wareegto madaxweyne. 3. Garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha ciidamada qaranku waxay kala mid yihiin xuquuqda hawlgabka tyo xaqsunta xubnaha ciidamada qaranka si waafaqsan xeerka hawlgabka iyo xaqsunta ciidamada xeer L.r 88/2019 S(2¥ pa y=] é QAYBTA AFRAAD AWOODDA WASAARADDA GAASHAANDHIGGA, MADAXWEYNAHA IYO WARBIXINAHA

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-30

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
29Ask about this article31