Qodobka 24aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Qaab-dhismeedka Guddida Guddida 00 yeelanaysa dabci maamul si la mid ah guddida cadaaladda, waxay ka kooban tahay 5 xubnood oo ka kala imanaya meelahan. 1. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidammada. 2. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka ee JSL. 3. lyo laba xubnood oo hore uga tirsanaan jiray clidamada qaranka, 00 galay hawlgab kuwaas 00 lagu soo xulanayo aqoonta ay u leeyihiin sharciga iyo maamulka, labada xubnood waxa magacbistooda iyo xil ka qaadistoodaba leh madaxweynaha JSL marka uu la tashado wasiirka gaashandhiga. 4. Guddida waxaa guddoomiye u noqonaya gudoomiyaha maxkmadda sare ee ciidamada, marka uu maqan yahayna waxaa guddoominaya guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare. 5. Guddidu waxay yeelanaysaa kaalliye sare, waxaana soo magacaabaya guddoomiyaha.