Article 19
Qodobka 19aad
Original Somali text, quoted word for word
Xilka iyo Waajibaadka Xceer-ilaaliyaha Guud 1. Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu awood u leeyahay guud ahaan baadhista iyo oogista dembiyada ciqaabi ka dhalanayso ee ay galaan xubnaha Ciidamada Qaranka 2. Horgeynta eedaysanayaasha fal-dembi ama fal-dambiyeed loo haysto maxkamadda ciidan ee awoodda u leh. 3. Dacwad oogista maxakamadaha hortooda ee Ciidamada Qaranka. 4, Hagista baadhisaha dembiyada. o. Ka talo siinta madaxweynaha cafiska xubnaha ciidamada ee xukun dembi lagu helay, isla markaana lagu xukumay si’xeerka waafaqsan. 6. Diyaarinta iyo daraasaynta xeerarka qabyada ah ee ka dhiman maxakamadaha Ciidamada Qaranka. 7. La’shaqaynta hay’adaha ammaanka iyo caddaaladda ee dalka. 8. Diyaarinta warbixin-sanadeedka noocyada dacwadaha ee uu kaga oogay maxkmadaha ciidamada iyo marxaladahada ay galeen iyo soo jeedimaha la’xidhiidha qorasheyaasha waxqabadkiisa. 9, ‘Tababarrada iyo kor u qaadista aqoonta baadhayaasha ciidamada ah ee la’xidhiidha baadhista dembiyada iyo dacwad oogista. 10. Xeer-[aaliyaha Guud iyo ku-xigeennada Xeer-Ilaaliyaha Guud waxa ay ka qayb geli karaan dacwadaha dhammaan derajooyinka maxakamadaha. 11. Go’aanka dacwad oogista waxa u madaxbanaan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud.