Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidanka · 2024In force

Article 13

Qodobka 13aad

Original Somali text, quoted word for word

Shuruudaha Magacaabista Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare Qofka loo magacaabayo guddoomiye ama garsoore maxkamadda sare ee ciidamada waa in uu buuxiyo shuruudahan hoos ku cad: 1. Waa in uu yahay gof muslim ah oo ku dhaqma Diinta Islaamka. 2. Waa in uu yahay muwaaddin u dhashay Somaliland; 3. Waa in aanay da’diisu ka yarayn 35 sannadood, kana weynaan 65sanno. 4. Waa in uu haysto shahaado jaamacadeed oo sharciga ah gaar ahaan barashada culuunta denbiyada iyo Shareecada. }. Waa in uu leeyahay waayo’aragnimo aan ka yarayn toddoba (7) sannadood oo uu ku shaqeeyey garsoore, qareen ka hor doodda maxkamadaha Ciidamada Qaranka ama xeer- ilaaliye. 6. Waa in uu yahay qof ku sifoobay aqoon, karti, xil-kasnimo dhexdhexaadnimo iyo daacadnimo, isla markaana ka madaxbannaan siyaasadda. 7. Waa in aanu galin faldambiyeed ay maxkamadi ku heshay shantii sanno ee ugu dambeeyey. 8. Waa in aanu galin fal anshax xumo ah oo la’xidhiidha arrimaha garsoorka intii uu ku jiray xirfadda sharciga. 9, Waa inuu kamid yahay Ciidamada Qaranka ee kala duwan.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-nidaamka-garsoorka-ciidanka/qodobka-13

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
12Ask about this article14