Article 12
Qodobka 12aad
Original Somali text, quoted word for word
Xilka iyo waajibaadka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qaranka 1. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranku waa hay'adda garsoor ee ugu sarraysa nidaamka garsoorka cuidamada, fadhigeeduna waxa uu noqonayaa magaalo-madaxda. 2. Maxkamadda sare ee clidamada qaranku marka ay lagama maarmaan u aragto, waxa ay fadhigeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo ka mid ah gudaha xuduudaha dalka Somaliland, lyada oo awood u leh (Jurisdiction) go'aan ka gaadhista dacwadaha ka dhaca dalka ee racfaanka looga soo qaato. 3. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranku waxay awood u leedahay; b) Dhegeysiga racfaannada laga soo qaato maxkamadaha derajada koowaad ee Ciudamadda Qaranka. t) Dib u eegista xukunnada ka soo baxa Maxkamadda Sare ee ciidamada si'waafaqsan hab-raaca dib u eegista xukunnada. j) Awoodda wareejinta dacwad ka socota aag derajo in ay u wareejiso aag derajo kale haddiui ay sidaa ku jirto danta caddaaladda oo dhinac ka mid ah dhinacyadu uu sidaas Wcios <a x) Ka go’aan gaadhista khilaafyada ka dhex abuurma qaybaha garsoorka ee ku saabsan xagga awoodda dhegeysiga dacwadaha iyo awoodda gar-maqalka.