Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023In force
Article 9
Qodobka 9aad
Original Somali text, quoted word for word
Goobaha Hawigallada 1. Ciidanku waa in ay ka hawlgalaan saldhigyada iyo xeryaha loo qoondeeyay ee Somaliland gudaheeda ama xeryaha kale oo ay ku jaan waddamada kale ee xubnaha ciidanka ay dejisay Wasaaradda Gaashaandhigu. 2. Safaaradaha Somaliland ee dalalka shisheeye waxa loo diri doonaa u qaybsanaha arrimaha ciidamada (Military attaché) Waxaana magacaabi doona Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda, marka uu helo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-9