Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa

Qodobka 55aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xidhashada billadaha Billadaha la’bixiyay waxa loo xidhanaya sidan: 1. Xubinta ciidanka ka tirsan waxa ay ku dhejisanaysaa dirayska (unifoorm-ka); 2. Xubinta hore uga tirsanayd ciidanka ee la’siiyay billad, waxa ay ku dhejisan kartaa dharka caadiga ah ee shacabka. 3. Dadka rayidka ah ee xigtada ugu dhow ah xubin ciidan oo dhimmatay oo la’siiyay billad waxa ay ku dhejisan kartaa dharka caadiga ah ee shacabka.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-55
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
54Weydii qodobkan56