Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa
Qodobka 64aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
U warbixinta Baaralamaanka 1. Sannad kasta bilowgiisa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka waxa ku waajib ah in ay horyimaddaan Guddida Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida si’ ay warbixin uga siiyaan xaaladaha difaac iyo amni ee dalka. 2. Hor tegidda ku xusan faqradda koowaad ee qodobkan waxa ay ka dhacaysaa Gole walba gaarkiisa.