Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa

Qodobka 40aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Faylka Ciidanka 1. Cidanka Qaranku, waxa uu yeelanayaa fayl ama diiwaan lagu keydiyo xogta iyo macluumaadka Ciidanka Qaranka oo dhan iyo xaaladahooda gaarka ah. 2. Askari kasta oo ka tirsan Ciidanka Qaranku, waxa uu yeelanayaa fayl u gaar ah oo lagu keydiyo taariikh nololeedkiisa, dagaallada uu galay, aqoontiisa iyo noocyada tababar ee uu haysto, biladaha la’suyay darajooyinkiisa, inta anshaxmarinood ee uu_helay lyoxaaladdiisa caafimaad (medical condition). 3. Sannad kasta Taliska Ciidanka Qaranku ha’yadaha ay khusayso waxa uu la’soo wadaagayaa korodhka iyo tirokoobka xubnaha Ciidanka Qaranka. oa <, pee a AY % 4. Waxa reebban askari aan fayl lahayn lyO aqoonsiga gaarka ah ee lambarka tirsiga ciidanka iyo sawirkiisa iyo xilka ama derajada uu ka hayo ciidanka.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-40
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
39Weydii qodobkan41