Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa

Qodobka 46aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Anshaxmarinta xubnaha Ciidanka Qaranka 1. Xubnaha ciidanka oo dhan, waa in ay u hoggaansamaan Xeerka Anshaxmarinta ee uu soo saaray Wasiirka Gaashandhiggu. 2. Dhagan-gelinta Xeerka Anshaxmarintu, waa masuuliyad saaran taliyeyaasha cudanka ee heer kasta. 3. Iyada oo aan waxba loo dhimayn Qodobka 22aad ee Dastuurku 00 ogolaanaya ka qayb qaadashada siyaasadda ee muwaaddinka, haddana xubnaha ciidanka looma ogola in ay ku biiraan xisbi ama urur-siyaasadeed, kama qayb geli karaan, si’toos ahna uma taageeri karaan xisbi ama urur-siyaasadeed, xaflad ama shaqo siyaasadeed. 4, Anshaxmarinta gefefka, nidaamkooda iyo ganaaxooda waxa loo raaci doona Xeerka Anshaxmarinta Ciidanka Qaranka.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-46
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
45Weydii qodobkan47