Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa

Qodobka 51aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Waxyaabaha ka reebban derajo bixinta. 1. Waxa ka reebban in derajo lagu bixiyo arrimaha ay ka mid yihiin: 1. Qabyaalad. ll. eex iyo qaraabo kiil. il. Laaluush ama musuqmaasuq. iv. Kala soo dhawaysasho/weji garasho. v. Afkaar siyaasadeed. vi. Aqoon la’aan iyo karti daro. rs “= Ne e: 4 . : 2. Haddii ay caddaato in qof ku helay derejo mid ama ka badan sababaha ku cad faqradda laad ee qodobkan, waa in laga qaado derejada islamarkaana loo saaro guddi baadhiseed oo ka go’aan gaadha haddii ay ciqaabi ka dhalanayso. 3. Guddida baadhiseed waxa saaraya madaxweynaha Somaliland. 4. Guddida baadhitaan ee fagradda Qaad ee qodobkan ku tilmaaman waa in ay baadho xubinta la’siiyay derejada iyo guddida siisay labadaba.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-51
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
50Weydii qodobkan52