Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023In force
Article 64
Qodobka 64aad
Original Somali text, quoted word for word
U warbixinta Baaralamaanka 1. Sannad kasta bilowgiisa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka waxa ku waajib ah in ay horyimaddaan Guddida Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida si’ ay warbixin uga siiyaan xaaladaha difaac iyo amni ee dalka. 2. Hor tegidda ku xusan faqradda koowaad ee qodobkan waxa ay ka dhacaysaa Gole walba gaarkiisa.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-64