Article 60
Qodobka 60aad
Original Somali text, quoted word for word
Qandaraasyada Ciidanka Qaranka 1. Ciidanka Qaranku nidaamkiisa qandraaas bixinta waxa uu u marayaa Gudida Qandaraasyada Qaranka, si’waafaqsan Xeerka Qandaraasyada Qaranka, gaar ahaan qandaraasyda la’xidhiidha dirayska, kabaha, raashinka, shidaalka qalabyada kale ee lagama maarmaanka u ah shaqadooda. 2. Sirdoonka Ciidanka Qaranku, waxa uu u gudbin karaa Guddida Difaaca, shirkadaha sababo ammaan dartood aan uga qayb geli karin qandraasyada la’xidhiidha Ciidanka Qaranka. 3. Guddida Difaacu, marka ay helaan soo jeedinta ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan islamarkaana uu ku qanco sababaha Sirdoonka Ciidanka Qaranka, waxa uu ku amrayaa Wasiirka Gaashaandhigga in uu soo saaro liiska shirkadaha aan ka qayb geli karin tartanka qandaraasyada la’xidhiidha Ciidanka Qaranka. 4, Waxa ka reebban Guddida Qandaraasyada Qaranka, bixinta qandaraasyada la’xidhiidha arrimo amni ama sir ciidanka ah oo aan la’xayaysiin karin. P Pct SY, FE Lf FECA s o W E\E} PAI Be OH « *] ae ee ky J+} 5. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xeer-nidaamiye ku faahfaahinaya, ka dib marka uu la’ tashado Guddida Difaaca, qandaraasyada gaarka ah ee sababo ammaan darteed aan loo marin karin Guddida Qandaraasyada. 6. Qandaraasyada ku xusan faqradda 4aad ee qodobkan, waa in xeer-nidaamiyaha ku xusan faqradda 3aad lagu aasaaso guddi gaar . ah oo maamusha qandaraasyada gaarka ah.