Qodobka 59aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Hantida Ciidanka Qaranka 1. Ciidanka Qaranku waxa uu yeelan karaa hanti guurto ah iyo mid ma’guurto ah, waxaanu ugu tasarufi karaa si sharciga waafaqsan. 2. Cidanka Qaranku waa in uu ilaashadaa dhammaan hantida uu leeyahay sida dhismeyaasha, hubka, qalabka iyo hantida. 3. Hantida Ciidanku waa in ay diiwaangashan tahay, la’hubiyaana s1joogto ah oo la’ogaado helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. Lumitaan ama dhaawac ay keenaan dayacaad ama aqoon la’aan waa in la’baadho, warbixinna laga diyaariyo. 4. Waa in lagu’ dedaalo — sidii loogu magdhabilahaa khasaaraha/kharashka soo gaadhay Ciidanka Qaranka. Waxaana masuul ka ah hoggaanka farsamada iyo tiknoolajiyadda.