Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023In force

Article 58

Qodobka 58aad

Original Somali text, quoted word for word

Hanti-dhawrka Ciidanka Qaranka. 1. Ciidanka Qaranku waxa uu yeelanayaa hanti-dhawrka gudaha oo samayn doona dhammaan baadhitaannada iyo dabagalka maaliyadeed ee gudaha, marka uu sidaa ku amro Taliyaha Ciidanka Qaranku, sidoo kale waxa uu warbixin ka diyaarin doonaa nidaamka shago wanaagga iyo saacadaha shaqada ee xubnaha Ciidanka Qaranka (performance auditing). 2. Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku waxa uu awood u leeyahay in uu baadhis ku sameeyo nidaamka maaliyadeed ee Ciidanka Qaranka, si’waafaqsan Xeerka Hanti-dhawrka Xeer L.r 76/2016. 3. Sannad miisaaniyadeed kasta Ciidanka Qaranka waxa ku waajib ah in ay keenaan xisaab-xidhkooda maaliyadeed 00 lagu soo dari doono xisaab-xidhka guud ee uu Hanti-dhawrku u soo gudbiyo Golaha Wakiillada, waxaana loo raacayaa si’waafaqsan xeerka Maamulka MaaliyaddaXeer L.r 75/2016. - 37- ete KYO EMS GEE YUNG \ x Ag / A %\\ = } joo BOkad y eo} =| \3 4, 27 He] ON o> SOLES Qe :

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-58

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
57Ask about this article59