Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa
Qodobka 48aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Awoodda Derajo bixinta Ciidanka Qaranka. Awoodda bixinta derajooyinka Ciidanka Qaranka, waxa iska leh madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka (Commander in chief). Derajooyinka ciidanku waxa ay ka koobnaan doonan: 1. Sarreeyeyaasha; 2. Saraakiisha iyo 3. Saraakiil xigeennada. 4. Askari.