Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa

Qodobka 44aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Tababarka Ciidanka Qaranka 1. Waasirku, marka uu la’tashado Guddida Difaaca, waa in uu aasaaso Machadka Tababarka Ciidanka Qaranka oo u aasaasan in uu siiyo tababar kala duwan ciidamada. 2. Dhammaan dadka la’qorayo Ciidanka Qaranka, waa in ay helaan aqoon loogu talo galay inta aan lagu hawlgalin waajibaadka cudanka. 3. Dhammaan xubnaha ciidanku, waa in ay helaan waxbarasho habboon iyo tababar ka anfacaysa shaqooyinka iyo magacaabistiisa xigta. 29 - Is (eee ef ota |\W) » $ Elle BORN . }]* a) “Yo ohh Ze OSS A S/ —— adi 4. ‘Tababarka xubnaha ciidanku si’ gaar ah lyo sl’ guudba, waa in uu noqdaa shaqada dhammaan heerarka kala duwan ee taliyeyaasha, sidoo kale tababarka waaxaha iyo colalka. 5. Xubnaha Ciidanka Qaranku waxa ay qaadanayaan tababarka gudaha iyo kuwa debadda. 6. Waxa waajib ah in ay xubnaha Ciidanka Qaranku helaan fursado waxbarasho oo debadeed, si’ciidanku u noqdo_ ha’yad_ ku qalabaysan aqoon casri ah. 7. Go’aanka u dirista xubin ciidan dalka debediisa si uu ugu soo qaato tabobar, aqoon korodhsiyo ama kooras gaaban, waxa iska leh Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, ka dib marka uu helo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Qaranka. 8. Askari kasta iyo sarkaal kasta oo ka tirsan Ciidanka Qaranka waxa ku waajib ah in uu leeyahay/leedahay aqoon iyo tababar u dhiganta xilka uu hayo.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-44
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
43Weydii qodobkan45