Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023In force

Article 29

Qodobka 29aad

Original Somali text, quoted word for word

Ciidanka joogtada ah (regular force) 1. Taliska Ciidanka Qaranka ayaa qoraya xubnaha_ Ciidanka Qaranka ee loo baahan yahay. 2. Ka hor inta aan la’qorin xubno ciidan, waa in la’dejiyo shuruudaha lagu qorayo, hab-raaca iyo nidaamka dallacsiinta xubnaha Ciidanka Qaranka. 3. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga ayaa xeer-nidaamiye ku soo saaraya habraaca ku xusan farqadda 2aad ee qodobkan, isaga 00 ka duulaya Dastuurka iyo xeerkan, ka dib marka uu la’tashado Taliyaha Ciidanka. 4. ‘Taliska Ciidanku, waa in ay shaaciyaan oo warbaahinta ku goraan in ay u baahan yihiin ciidan ay qoranayaan iyo shuruudaha muddo aan ka yarayn soddon maalmood ka hor waqtiga shaqo qoristu bilaabmayso.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-29

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
28Ask about this article30