Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023Wuu shaqeeyaa

Qodobka 27aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Wasaaradda Gaashaandhigga 1. Si’waafaqsan qodobka 123aad ee Dastuurka JSL, Wasaaradda Gaashaandhigu waa korjoogteynta madaniga ah (civilian oversight) ee Ciidanka Qaranka. 2. Si’waafaqsan godobka 123aad faqradiisa daad ee Dastuurka, gofka loo magacaabayo wasiirka Wasaaradda Gaashandhiggu, waa in uu ahaado muwaaddin madani ah (civilian). 3. Waxa reebban, in qof ciidan ahi uu noqdo wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. 4. Waaxyaha Wasaaradda Gaashaandhiggu, waa in ay u qaabaysan yihiin hannaan taageri 5. Karta oo kobcin kara qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-27
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
26Weydii qodobkan28