Xeerka Ciidanka Qaranka Somaliland · 2023In force

Article 22

Qodobka 22aad

Original Somali text, quoted word for word

Xilka Booliska Ciidanka Qaranka (military police) 1. Xailka iyo waajibaadka shaqo ee Booliska Ciidanka Qaranka, waa in ay fuliyaan xeerarka ciidanka ee ciidanka dhexdiisa. 2. Booliska Millaterigu waxa uu si’gaar ah ugu xilsaaran yahay: i. Ka hortagga iyo la’dagaalanka dembiyada Ciidanka Qaranka. u. Baadhitaanka dembi kasta oo lagu tuhmo in uu galay xubin ka mid ah Ciidanka Qaranka. i. Ilaalinta amniga iyo kala danbeynta (law and order) ee Cidanka Qaranka dhexdiisa. 3. Booliska Cudanka Qaranka, waxa uu isticmaalayaa awoodaha boolis ee Xeerka Habka Ciqaabta ama xeer kale siiyay, isaga 00 ku kooban Ciidanka Qaranka dhexdiisa. 4. Hab-raaca_ baadhitaanka, xadhigga, haynta, gelista goob, qabashada iyo wax kasta oo la’xidhiidha shaqada daruuriga u ah Ciidanka Booliska Qaranka, waxa loo raacayaa Xeerka Habka Cigaabta ee dhagan-galka ah. -17- AapPhNA Buy, Grae Vis SNe if &h \¥ $ WANA + «FE ‘ ON Lot Ze/ OOS Gener” 5. Booliska Ciidanka Qaranka, waxa ay la’shaqaynayaan Xeer- Tlaalinta Ciidanka Qaranka iyo Maxkamadaha Ciidanka Qaranka. 6. Awood uma laha Booliska Ciidanka Qaranku, in ay baadhaan ama qabtaan ama tallaabo kale oo sharci ka qaadaan, cid aan ahayn xubnaha Ciidanka Qaranka_ iyo goobaha_ Ciidanka Qaranka.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-ciidanka-qaranka-somaliland/qodobka-22

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
21Ask about this article23