Qodobka 8aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Hannaanka Diyaarinta iyo Ansixinta Miisaaniyadda (Budget Process/Cycle) Hannaanka diyaarinta iyo ansixinta miisaaniyaddu waxay maraysaa marxaladahan soo socda (Budget life cycle):- 1. Wasiirku wuxuu diyaarinayaa xaashida muuqaalka guud ee lagu faahfaahiyey qodobka Yaad ee miisaaniyadda (Budget Outlook Paper), taas oo saldhigna u nogon doonta diyaarinta: b. Muuqaalka dhaqaalaha guud (Macroeconomy and fiscal framework). t. Mugaalka siyaasad miisaaniyadeedka sannadka cusub (Budget outlook paper). j. Buugga habdhiska miisaaniyadda ee muddada dhexe (Medium term budget framework). 2. Wasiirku intaa kaddib, wuxuu diyaarin doonaa buugga habdhiska (haykalka) maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee muddada dhexe, waxaanu la wadaagayaa dadweynaha si’ looga qayb galiyo diyaarinta muiisaaniyadda, ra’yigoodana uga dhiibtaan, si’ loo xoojiyo hannaanka islaxisaabtanka, daahfurnaanta iyo aragtida ay muwaaddiniintu ka qabaan waxqabadka dawladda, si’ sare loogu qaado kalsoonida ay ku qabaan waxqabadka hay’adaha dawladda iyo si’ ay ula wadaagaan Wasaaradda Maaliyadda baahiyahooda mudaanta gaarka ah u Ich ee heer gobol ama degmo ee ay tahay in lagu soo daro miisaaniyadda sannadka cusub ee soo socda, maadama oo ay yihiin dadweynuhu (muwaaddiniintu) kuwa leh awoodda iyo karaamada qarannimo sida ku cad Dastuurka qodobkiisa laad, faqradda 2aad. 3. Kaddib dhageysiga dadweynaha ee faqradda sare lagu sheegay, wasiirku wuxuu u gudbin doonaa xaashida (buugga) habdhiska (haykal) maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee muddada dhexe golaha xukuumadda, si uu u darso una ansixiyo. 4. Buugga habdhisku wuxuu xambaarsanyahay xogo iyo daraasado ku saabsan hilaadinta dhaqaale ama maaliyadeed ee saldhig u noqon doona siyaasadda miisaaniyadda iyo odoroska miisaaniyad sannadeedka soo socda waxaanu sawir ka bixinayaa xaaladaha dhaqaale iyo maaliyadeed ce dalka iyo siday u ekaan doonto miisaaniyadda sannadka dambe ee soo socda iyo labada sanno ee kale ee kasi dambeeya sannadkaas, si ay ugu sii xisaabtamaan waxyaabaha ay ku salayn doonaan hilaadinta odoroska miuisaaniyadeed ee ay soo diyaarin doonaan hay’adaha kala duwan ee dawladdu, isla markaana loo helo xogaha dhaqaalaha ce dalka. 5. Kaddib ansixinta golaha xukuumadda, wasiurku wuxuu u sii gudbin doonaa buugga habdhiska maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee muddada dhexe guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada 00 iyana ka doodi doona, lana tashan doona guddida hawlaha Golaha, ayaa qoraal talo soojeedin ah la wadaagi doona wasaaradda. 6. Buugga habdhiska waxa guddida dhaqaalaha ee Golaha loola wadaagayaa si ay xog uga sii hayaan, una sui fahmaan hilaadinta dhaqaale iyo maaliyadeed ee uu ku salaysnaan doona odoroska miisaaniyad sanadeedka la hor keeni doono iyo labada sanno ee ka dambeeya ee soo socda, si ay doodahooda ugu saleeyaan, una hago xilliga lagu gudo jiro ansixinta odoroska sannadlaha ah ee miisaaniyadda waktigaas diyaarinteedu taagantahay. Ji erth GU Pita Oe Mian 7. Kaddib marka wasiirku helo talo soojeedinta guddida dhaqaalaha ee xaashida (Buuga) habdhiska ee faqradda sare lagu sheegay, wasiirku waa inuu SOO Saaraa wareegtada diyaarinta odoroska miisaaniyad sannadeedka cusub ee lagu sheegay qodobka 1 Laad, faqraddiisa 2aad ee xeerkan. 8. Kaddib soo saarista wareegtada faqradda sare lagu sheegay, wasiirka waa inay dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladdu ugu soo gudbiyaan odoroska mulsaaniyad sannadeedkooda, mudadda lagu cayimay wareegtada ee lagu sheegay qgodobka Ilaad, faqraddiisa 2aad xeerkan. Marxaladdan waxa dhacaysa falaqaynta iyo difaacashada miisaaniyadda taas oo dhex mari doonta Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ce dawladda ee odoroska miisaaniyadda soo gudbistay. 9. Wasiirku isaga oo ka duulaya xadka adeegsiga xeerka ee lagu sheegay qodobka daad ce Xceerkan, kaddib falaqaynta iyo dhageysiga doodaha kala duwan ee hay’adaha dawladda, waa inuu diyaariyaa odoroska ku talagalka miisaaniyadeed ce Qaranka 00 lagu faahfaahin doono siyaasadda maaliyadda iyo odoroska mulsaaniyad sannadeedka oo noqonaaya mashruucsharci miisaaniyadeed iyo xogaha kale ce la’xidhiidha ee Goluhu ka dalbado. 10. Wasiirku, kaddib markuu dhammaystiro diyaarinta siyaasadda maaliyadda iyo odoroska mulsaaniyadda, waa inuu u gudbiyaa golahiisa xukuumadda, si ay u falanqeeyaan go’aan gole wasiirna ugu go’aamiyaan (ansixiyaan) ka hor intaan loo soo gudbin Golaha Wakiillada. 11. Kaddib, ansixinta golaha xukuumadda, waxa loo dbinayaa Golaha Wakiillada slyaasadda iyo odoroska miisaaniyad sannadeed kasta, si uu Golaha Wakdllodura uga doodo, wax kabeddelna ugu sameeyo, haddii ay ula muugato muhiim, kaddibna uu ugu ansixiyo go’aan Gole, si’waafaqsan qodobka 5J5aad, faqraddiisa laad ce Dastuurka. 12. Waa in saddex bilood 00 kasta dib u eegis lagu samecyo lagana warbixiyo qoondayn miisaaniyadeedka dakhliga iyo kharashka, deeqaha iyo mashaariicaha la helay, isla markaana loo gudbiyaa guddida dhaqaalaha ee Golaha. 13. Waa inuu wasiirku fuliyaa nidaam gudaha ah oo lagu xakamaynaaya laguna hubinaayo in mulsaaniyadda loo isticmaalo si’waafaqsan sidii uu Golaha Wakiilladu ku soo ansixiyey. 14. Waa in Xisaabiyaha Guud ugu gudbiyaa Hantidhawraha Guud warbixinta xisaabxidh sannadeedka ce sannad maaliyadeed kasta muddo aan ka badnayn afar bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad maaliyadeedka, sl’ waafaqsan qodobka 33aad faqraddiisa laad ee Xeerka Hantidhawrka Guud ee Qaranka Xeer Lr. 76/2016. 15. Si’waafagsan qodobka 55aad, faqradihiisa 6aad iyo 7aad ee Dastuurka iyo qodobbada 38aad iyo 3.5aad ee Xeerka Hantidhawrka Guud ce Qaranka Xeer Lr. 76/2016, Hantidhawraha Guud ce Qaranka waxa ku waajib ah inuu ugu soo bandhigo Golaha Wakiillada Xisaabxidhka sannad_ maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad maaliyadeedka oo ay la socoto warbixin baadhiseedkiisii iyo hantidhawristiisii uu ku sameeyey isucmaalka miisaaniyad sannadeedkaas 00 dhammaystiran.