Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa
Qodobka 58aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Maareynta Daymaha Dawladda 1. Wasiirka ayaa masuulka ah maaraynta amaahda/daynta iyo dammaanadaha dawladda iyo dayn maaliyadeedyada kale ee dawladda; si’waafaqsan xeerkan iyo xeerarka kale ce dalka, iyada oo la curin doono Xeerka Maamulka Daymaha iyo Amaahaha Qaranka (Public Debt Management Act). 2. Wasiirku waxa uu 15ka bisha July ce sannad kasta warbixin faahfaahsan ka diyaarin doonaa una gudbin doonaa guddida dhaqaalaha, iyada oo guddiduna warbixin ka siin doonta Golaha maareynta amaahaha, dammaanadaha iyo dayn maaliyadeedyada dawladda ce sannad maaliyadeedkii kal hore.