Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 67aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Maamulka iyo Taalinta Xisaabaadka Wakaaladaha Dawladda 1) _Iyada 00 aan loo cegayn in ay lid ku tahay xeer kale oo dhaqangal ah, xisaabaadka wakaalad dawladeed kasta waa inuu baadhis ku sameeyaa Hantidhawraha Guud. 2) Isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaybtan ku xusan, Hantidhawraha Guud: b. Wuxuu yeelan doonaa go’aan ka gaadhis iyo awoodo la mid ah kuwa qodobka 3laad ee xaarkani sunayo Hantidhawraha Guud, marka loo cego lacagaha, shatiyada (stamps), dammaanadaha, kaydadka iyo hantida kale ce ay leedahay wakaalad dawladeed, haddii lacagaha, shatiyada, dammaanadaha, kaydka bakhaarka yaalla, ama hantida kale ee hay’ada dawladdu ay noqdaan lacago dawladeed iyo hanti dawladeed sida ay u kala horreeyaan, isla markaana saraakiisha wakaalada dawladdu ay noqdaan saraakiil dawladeed 00 ka tirsan shaqaalaha dawlada. t. Wuxuu awood u siin karaa qof kasta 00 u qalma in loo magacaabo hantidhawre shirkadeed, ama sarkaal kasta oo dawladecd, isaga 00 ka wakiil ah Hantidhawraha Guud inuu kormeero, baadho ama hubiyo diiwaannada iyo xisaabaadka cid kasta 00 Hantidhawraha Guud looga baahan yahay inuu baadhis ku sameeyo sida ku cad qaybtan. Qofkaasi ama sarkaalkaasi wuxuu_baadhitaanka hantidhawriseed ce uu samaynayo u fulin doonaa si waafaqsan mabaadii’da caalami ahaan la aqbali karo ce baadhitaanka hantiyeed, isla markaana wuxuu Hantidhawraha Guud ugu warbixinayaa habka uu u dejiyo Hantidhawraha Guud. 3) Hantidhawraha Guud waxa uu diyaarinayaa warbixin ku saabsan baadhista xisaabaadka ce lagu xusay qodobkan, waxaana uu u diri doonaa wasiirka iyo wakaalladda dawladda ee ay khusayso. 4) Wakaaladaha dawladdu, muddo dhan 21 maalimood gudohood ah waa inay: b) U gudbiyaan wasiirka u aragtidiisa warbixinta ce lagu soo gudbiyay faqradda (3aad) ee qodobkan; iyo nudul la caddeeyay u diraa oo ku saabsan aragtidiisa Hantidhawraha Guud ahaan. t) Wasiirku waxa uu muddo dhan laba iyo afartan cisho (42 maalmood) kaddib marka uu helay warbixinta uu diyaariyay Hantidhawraha Guud sida ku cad faqrada (2aad) ce isla qodobkan, waxa uu gudbin doonaa warbixintaas iyo wixii kale ce aragtidiisaa cc ay samayso wakaalad dawladeed, sida ku cad faqradda (2aad) ce isla qodobkan ee xeerkan, ee la gaynaayo Golaha Wakiillada. 5) ~~ Qodobkani waxa kale 00 uu khuseeya: b) Wakaalad dawladeed kasta. u) Maamul dawladeed kasta oo xeer lagu aasaasay Oo ayanay ku jirin Golayaasha Deegaanku, taas 00 hesha miisaaniyad ama lacag kab ah. j) Laga maalgaliyo in ka badan kala badh dakhligeeda lacagta dawlada. x) Hay’ad kasta 00 aan ahayn golayaasha deegaanka, taas oo uu baadho Hantidhawraha Guud. QAYBTA KOW IYO TOBNAAD QODOBBO KALA DUWAN

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-67
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
66Weydii qodobkan68