Qodobka 16aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Kaabis Miisaaniyadeedka 1. Haddii sannad maaliyadeed gaar ah, ay soo baxdo in xaddiga miisaaniyadda uu qoondecyey Xeerka Miisaaniyadu aanu ku filayn ama ay soo baxdo baahi aan wax miisaaniyad ah loo qoondayn ama dakhli dheeraad ahi soo hoydo, odoros kaabis ah oo muujinaya xaddiga kharash miisaaniyadeedka lagama maarmaanka u ah daboolidda baahida kharash ce soo baxday ayaa la horgayn doonaa Golaha Wakiuillada. 2. Markay yimaaddaan xaaladaha lagu sheegay faqradda hore ee qodobkan, wasiirku waa inuu u gudbiyo Golaha Wakiilladda qabyo qoraalka kabka miisaaniyadda marka: b) La kordhinayo kharashka guud ee miisaaniyadda asalka ah ee Qaranka. t) La wareejinayo caddad lacageed 00 ku jiray hay’ad 00 hay’ad kale loo wareejinayo 00 ka mid a miulsaantyadda asalka ah ee Qaranka ee lagu faahfaahiyey qodobka 1 8aad ce xeerkan. J) La’abuuro qoondo cusub oo aan hore ugu jirin miisaaniyadda Qaranka ce asalka ah ama in la bedelo ujeedada qoondada ce Miisaaniyadda Qaranka ee asalka ah. X) Wax kabeddel weyn lagu samecyo ku talaggalka dakhliga ce asalka miisaaniyadda Qaranka 00 isdhimis baaxad leh ku samaynaysa dhammaan kharashyada miisaaniyadda Qaranka ee asalka ah. 3. Mhiisaaniyadda kabku waxay kordhin kartaa wadarta kharashyada ku xusan asalka miisaaniyadda Qaranka, haddii ay jirto xaalad gurmad Qaran oo degdeg ah, dagaal ama xaalad kale oo dhaqaale iyo maaliyadeed 00 aan hore looga sii war qabin ama loo saadaalin. 4, Wasurku wuxuu ugu gudbin doonaa Golaha Wakiiladda qabyo qoraalka miisaaniyadda kabka ah sida lagu tulmaamay godobka 2laad faqradihiisa daad, Saad, 6aad, 7aad, 8aad iyo Yaad ee xeerkan, waana in ay ku jirto sababaha miisaaniyadda kabka ah loogu baahan yahay. 5. Marka la kordhiyo wadarta kharashyada ama hoos loo dhigo wadarta dakhliga, waxa la soo raacinayaa warbixin faahfaahsan oo tilmaamaysa ilaha maaliyadeed iyo saamaynta ay ku yeelaneyso saadaasha maaliyadeed ee uu hore u ansixiyey Goluhu. 6. Hay’adaha dawladdu markay codsanayaan lacag dheeri ah waa inay u maraan kabid miisaaniyadeedka sl waafaqsan wareegtada uu soo saaray wasiirku ee diyaarinta miisaaniyadda kabka. 7. Marka dakhliga soo galay uu ka bato qiyaastii miisaaniyadda qaranka ee la filayey, dakhliga dheeriga ah looma isticmaali karo kharash ahaan iyada oo aan laga haysan ogolaansho lagu ansixiyay go’aan gole. 8. Waxa ka reebban dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda heer kasta ha ahaadaane in ay bixiyaan kharash dheeri ah ama ay galaan kharashyo aan miisaaniyadda asalka ah ku jirin ama aan ku jin miisaaniyadda kabka ah ee ee Goluhu ansixiyey. 9. Diyaarinta, ansixinta iyo fulinta miisaaniyadda kaabista ah waxa lagu maamuli doonaa qodobbada lagu maamulo ansixinta iyo fulinta miisaniyad sannadeedka caadiga ah. aad