Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 31aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

: Sarkaalka Fulineed Ee Hay’adda Dawladda 1) Sarkaalka fulineed ee hay’ad dawladeed ayaa ah sarkalka masuulka ka ah ce si shakhsi ah loogala xisaabtami doono isticmaalka iyo maaraynta lacagaha iyo hantida dawladda ee ay maamusho ama hoos timaad hay’addiisa. 2) Sarkaalka fulineed ee hay’ad kasta oo dawladeed wuxuu masuul ka yahay wax kasta 00 la xidhiidha maareynta lacagta dawladda, hantida ama qaamaha/deymaha hay’adda uu masuulka ka yahay, wuxuuna yeelanayaa 00 gudan doonaa awoodahan iyo masuuliyadahan soo socda: b) In isagoo kala tashanaya, isla markaana raacaya jihaynta wastirka wasaaraddiisa ama sarkaalka madaxa ka ah hay’addiisa uu diyaariyo qorshaha iyo ku talagalka miisaaniyad sannadeedka hay’addiisa, si loogu gudbiyo Wasiirka Maaliyadda. ) Inuu kormeero oo xaqiijiyo in fulinta miisaaniyadda qoondaysan ee uu masuulka ka yahay loo fuliyo si’waafaqsan qodobbada xeerkan iyo xeernidaamiyayaasha iyo habraacyada loo soo saaro si’waafaqsan xeerkan iyo xeerarka kale ee khusecya. J) Inuu diyaariyo, xafido 00 dhawro xisaabaha iyo diiwaannada hay’adda_si’waafaqsan xeerkan, xeernidaamiyayaasha, habraacyda iyo siyaasadaha iyo awaamiirta maareynta maaliyadda, xeerarka iyo xcernidaamiyeyaasha kale ce khuseeya. x) Inuu diyaariyo una gudbiyo wasiirka, Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawraha Guud warbixin xiliyeedyada fulinta miisaaniyadda iyo xisaabaadka hay’addiisa s!'waalaqsan xeerkan iyo qaabka iyo habraacyada waafaqsan xeer-nidaamiyayaasha ka farcamay xcerkan ee uu soo saaro Xisaabiyaha Guud; Kh) In kaddib marka si waafaqsan xeerkan loogu oggolaado isticmaalka mulsaaniyadda uu dalbado, qaado, hayo 00 maamulo bixinta lacagaha hay’addiisa loo qoondeeyey. d) Si hufan oo wax ku ool ah oo daahfuran u maamulo una maareeyo dhammaan hantida dawladda ee hay’addiisu ka mas’uulka ka tahay. 1) Si hufan 00 wax ku ool ah oo daahfuran u taabbagaliyo nidaamyada xakamayn gudeedyo iyo nidaamyada maaraynta khatarta ee ku habboon hay’addisa s)waalaqsan xeernidaamiyayaasha wasiirka iyo awaamiirta Xisaabiyaha Guud ama Hantidhawraha Gudaha. 2) Kormecro 00 hubiyo in si sax ah loo isticmaalo hantida dawladda ce ay hayaan hay’adaha ama waaxyaha ama xafiisyada hoos yimaadda ee uu masuulka ka yahay. Sh) Siyo xog kasta oo ay ka dalbadaan wasiirku, Xisaabiyaha Guud ama Hantidharka Guud lyo Hantidhawrka Guduhu. Dh) — Dhaqangeliyo dhammaan talooyinka ku saabsan maaraynta maaliyadda ce wasiirka ama Hantidhawraha Guud ama Hantidhawrka Gudaha ay xukuumadda u soo Jeediyaan. c) Xaqiijyo u hogaansanaanta iyo ku dhaqanka qodobbada xeerkan, iyo xeernidaamiye, xeerhoosaadyada, awaamiirta iyo habraacyada ka farcamay xeerkan iyo dhammaan sharciyada kale la xidhiidha maaliyadda ee khuseeya hay’addisa. g) Fulinta waajibaadyada kale ee uu u xilsaaro ama ku waajibiyo xeerkani, xeernidaamiyayaasha ka farcama xeerkan ama xeerar kale 00 dhaqangal ah, khuseeyana hay’addiisa.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-31
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
30Weydii qodobkan32