Qodobka 7aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
U Hoggaansamidda Ujeeddooyinka iyo Mabaa’diida Masuuliyadaha Siyaasadda Maaliyadda 1. Xukuumaddu waa inay u hoggaansanto mabaadii’da masuultyadaha siyaasadda maaliyadda ee ku xusan qodobka 6aad ee xeerkan iyo ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadda ku jira buugga habdhiska mulisaaniyadda. 2. Xukuumaddu waa inay mar walba u hoggaansanto mabaa’diida ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadda ee kor ku xusan, hasayeeshee xukuumadda waxa u bannaan fulinta ujeeddooyinka masuuliyadaha siyaasadda maaliyadda ee buugga habdhiska miisaaniyadda: b. — Damacdo si’ ku meelgaadh ah u hakiso gabi ahaan ama qayb ahaan haddii uu qaranku waajaho xaalado lama filaan ah ama degdeg ah, xukuumadduna waydo xal kale oo ay ku maarayso. L. Ay ka leexato haddii ay xukuumaddu isbeddesho. 3. Haddii xukuumaddu damacdo inay hakiso fulinta ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadda si’ waafaqsan faqradda sare ee qodobkan, waxa waajib ah inay Golaha Wakiilada u gudbiso warbixin si cad u ubaaxaysa ama u qcexaysa: B- Sababaha kaliftay iyo saamaynta ka dhalanaysa hakintaas. T- Qorshayaasha ay ku talagashay ama u diyaarisay sidii ay xal ugu heli lahayd hakintaas. J- Muddada uu soconaayo go’aankaa hakintu. X- Warbixinta xaaladaha mashaarticda horumarineed ee dawladdu fulintooda bilowday iyo haddii ay jiraan kuwo ay hakisay ama joojisay, sababaha ay u hakisay ama u joogsadeen. 4. Hakinta ku meelgaadhka ah ce lagu sameeyo kharashaadka madaxyo ama madax xigeeno ku jira miisaaniyadda, si loo hubiyo ku filnaanshaha dakhliga waxa wareegto kusoo saaraya wasiirka, haddiise miisaaniyadda dhaqangalka ah dhinaansho ama korodh ku yimaaddo waxa waajib ku ah wasirka inuu Golaha u soo gudbiyo korodhkaa soo kordhay ama dhinaanshaha ku yimi miisaniyadda. QAYBTA SADDEXAAD DIYAARINTA TYO ANSIXINTA MITSAANIYADDA