Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 23aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga Guddida dhaqaalaha, maaliyadda iyo ganacsiga ce Golaha Wakiilladu waxay, ka sakow masuuliyadaha kale uu u xilsaaro xeerhoosaadka Goluhu, u xilsaaran yihiin arrimahan soo socda: 1. Qumaynta habdhiska miisaaniyadda lyo siyaasadda maaliyadda ce xukuumaddu u soo gudbiso Golaha Wakiullada iyo inay Golaha u soo gudbiyaan warbixin iyo talabixinno ku aaddan habdhiska miulsaaniyadda iyo siyaasadda maaliydeed. 2. Lafagurka iyo qiimaynta odoroska miisaaniyadda dakhli iyo kharash lyo- masruucsharci miisaaniyadeedka, miisaaniyad sannadeedyada dawaladda iyo inay Golaha u soo jJeediyaan talabixin iyo soojeedimo Golaha ka caawiya ansxinta mashruucsharci muisaaniyadeedka. 3. Hawlaha kale ce uu u xilsaaro xeerkan ama xeernidaamiye ka farcama ama xeer kale 00 dhaqangal ah ama Golaha Wakiillada. 4. Kormeeri doontaa goobaha dakhli, arrimaha dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, mashaariicaha horumarineed iyo miisaaniyadaha dawladaha hoose ce dalka. 5. Soo saari doontaa hagayaal iyo habraacyo lagu kormeeri doono xaaladaha maaliyadeed iyo kuwa dhaqaale ce dalka. 6. Lafagurka, hubinta, falanqaynta iyo dib u cegista miisaaniyadda Golaha Wakiillada.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-23
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
22Weydii qodobkan24