Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 36aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Kaydka Dakhliga Dawladaha Hoose 1) ~~ Dawladaha hoose 00 kastaa waxay yeelan karaan kaydad dakhli ugaar ah kaas oo noqon doona qasnad xisaabeed uga furnaan doona Bangiga Dhexe. 2) Kaydka dakhliga dawladda hoose waxa lagu shubi doonaa dhammaan lacagaha dawladda hoose ec ay ka mid ka yihiin: b. Dakhliga uga soo xarooda cashuuraha, ujuurooyinka, ganaaxyada iyo takaaliifta kale ee dawladaha hoose ee uu dhigayo Xeerka Maamulka Gobollada iyo Dawladaha Hoose. t. Dakhliga iibka iyo kiraynta hantida dawladda hoose. J. Lacagaha qoondeyn miisaniyadeeyada taageerada (subsidies), wadaaga dakhiga kastamada iyo daadajinta adeegyada dawladda ce loogu qoondeeyo miisaanayadda dawladda dhexe x. Lacagaha deeqaha ama amaahda ee lagu qaado ama lagu helo magaca dawladda hoose kh. Dakhliga kale ee dawladda hoose ka hesho ilo kale sl’ waafaqsan xeerkan. 3) Kaydka dakhliga dawladda hoose waxa loo maamuli doonaa si’waafaqsan Xeerka Maamulka Gobollada iyo dawladaha hoose, xeerkan iyo xeernidaamiyayaasha iyo habraacyada ka faracama xeerkan. 4) Haddii qodobbada Xeerka Maamulka Gobollada iyo dawladaha hoose khilaafo ama aanu la Jaanqaadi karaynin qodobbada xeerkan ama xeernidaamiyayaasha ka farcama, qodobbada xeerkan ama xeernidaamiyayaasha ka farcama ayaa lagu dhaqmi doonaa. 5) Kaydka dakhliga dawladda hoose iyo kaydadka gaarka ah ee lagu aasaaso xeer waxa ay ka mid ahaan doonaan kuna shaqayn doonaan nidaamka qasnadda midaysan ce dawladda ( Treasury Single Account).

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-36
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
35Weydii qodobkan37