Qodobka 45aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Wareegtada Ogeysiinta Dhaqangelinta Miisaaniyadda iyo Qorshaha Fulinta Miisaaniyadda 1.Wasiurku wuxuu, isla marka uu helo Xeerka Miisaaniyadda Qaranka ce uu saxeexay Madaxweynuhu, soo Saari doonaa wareegto qoraal ah oo uu dhammaan wasiirrada iyo madaxda hay’adaha dawladda kula socodsinayo dhaqangelinta miisaaniyadda, kuna wargeliyo in muddo 30 casho gudahood ay u soo gudbiyaan qorshe sannadeedkooda fulinta miisaaniyadaha hay’adahooda iyo kuwa hoos yimaadda. 2.Wareegtada wasiirka ce ku xusan faqradda laad ee godobkan, waa inay ku lifaaqan yihiin goraallo tibaaxaya arrimahan ay ka mid yihiin: b. Qorshayaasha iyo lacagaha qoondayn miisaaniyadeedka Golaha Wakiilladu u ansixiyey ee wasaarad ama hay’ad kasta. t. Qoondayn miisaaniyadeedka ugu jira miisaaniyadda dawladaha hoose: J. Xeernidaamiyayaasha, nidaamyada iyo habraacyada dhaqangalka ah ee loo raacayo fulinta Miisaaniyadda. x. Xadka lacagaha horumariska ah ee la oggolyahay in laga bixiyo miisaaniyadda kh. Wasiirka wasaarad kasta iyo madaxa hay’ad dawladeed ce kasta ce lagu socodsiiyo wareegtada wasiirka ee ku xusan qodobkan, wuxuu si'waafqsan muddada ku cayima faqradda 2aad ce qodobkan iyo qaabka uu wasiirku u dejiyo u diyaarin doonaa uguna gudbin doonaa wasiirka qorshaha fulinta miisaaniyadaha hay’addiisa iyo kuwa hoos yimaadda oo u habaysan bille iyo saddex biloodle, kuna salaysan qoondaymaha _ hay’addiisa loogu. qoondeeyey Xeerka Musaaniyadda. d. Kaddib marka uu helo, qorshaha fulinta muisaniyadda ee loogu soo gudbiyay si waalaqsan - godobkan ce uu hubiyo in uu waafaqsan yahay ansaxintii iyo ujeeddadii Golaha Wakiillada. sy CE DARAN » Wasirku wuxuu soo saari doonaa qorshe sannadeedka guud ce fulinta miisaaniyadda, kaas oo uu u gudbin doono Xisaabiyaha Guud iyo madaxda hay’adaha Dawladda. 3.Wasirku wuxu awood u leeyahay in uu dib-u-eegis ku sameeyo qorshaha fulinta muisaaniyadda ce ku xusan Qodobka sare. 4.Qorshe sannadeedka fulinta miisaaniyadda ee uu wasiirku u soo saaro si waafaqsan faqradda sare, wuxuu sal u noqgonayaa: b. Oggolaanshaha Xisaabiyaha Guud uu ku oggolaanayo in xisaabta kaydka dakhliga guud laga bixiyo lacagaha qoondayn kharash miisaaniyadeed. u. Gelidda kharashyada ay gali karaan saraakiisha fulinta ce hay’aduhu.