Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 33aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Magacaabidda, Awooddaha Iyo Masuuliyadaha Hantidhawrka Gudaha 1. Hantidhawraha Gudaha ee hay’ad kasta oo dawladeed ay qaadanaysaa waa inuu ahaado shaqaale dawladeed, isla markaana waa inuu aqoon lyO Waayo’aragnimo dheeraad ah 00 aan ka yarayn shan sanno u leeyahay xisaabaadka, baadhista gudaha iyo maamulka maaliyadda. Lx 2. Hannaanka loo qaadanaayo hantidhawraha gudahu wuxuu noqonayaa tartan furan 00 ay habraac gaar ah ku faahfaahiso isla markaana ay kala xusho hay’adda qaadanaysaa. 3. Hantidhawrada Guduhu wuxuu fulinayaa awooddahan iyo waajibaadkan: b) U xilsaaranayahay isu duwidda iyo korjoogteynta hawlaha hantidhawrka gudaha ee hay’adda dawladeed ee uu ka tirsan yahay. t) Waxa uu hoggaamiyaa kana masuulyahay ka midho dhalinta iyo fulinta ujeeddooyinka guud ee Hantidhawrka Gudaha. J) Waxa uu isku dubaridaa oo diyaariyaa, isla markaana fuliyaa qorshe sannadeedka Xafiiska Hantidhawraha Gudaha kaddib markuu ansixiyo madaxa hay’adda dawladeed ee uu ka tirsan yahay. x) Waxa uu diyaariyaa barnaamijyo iyo qorshayaal tababar oo kor loogu qaadayo aqoonta xirfadeed ee hawl wadeenada hantidhawrka gudaha. Kh) Waxa uu diyaariyaa warbixinta hantidhawrka gudaha 00 saddex biloodle, lix biloodle iyo sannadle ah una gudbiyaa madax hay’adda dawladeed ce uu ka tirsan yahay. d) Waxa uu diyaariyaa, kana masuulyahay fulintooda iyo ku dhaqankoodaba, hagayaasha_ iyo habraacyada hantidhawrka gudaha 00 ku salaysan halbeegyada hagaha caalamiga ah ee adeegyada xirfadeed ee hantidhawrayaasha gudaha, isla markaana waafaqsan Dastuurka Somaliland, xeerkan, xeernidaamiyayaasha iyo xecrarka kale ee dhaqangalka ah. r) Fulinta hawlaha kale ee uu u xilsaaro xeernidaamiyaha hantidhawrka gudaha, xcerkan iyo xeerarka kale ee dhaqangalka ah.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-33
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
32Weydii qodobkan34